Askari ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka oo dil toogasho ah lagu xukumay

Published: August 16, 2018

Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa maxkamada darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliya maanta ay ku xukuntay Dil Toogasho ah kadib markii lagu soo eedeeyay in uu dil ka geystay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Bishii Febraayo ee sanadkan ayaa Cabdiraxmaan yariisoow oo ka tirsanaa guutada ciidamada xoogga dalka ee gobolka Hiiraan uu dil u geystay nin lagu magacaabi jiray Xasan Abshir dilkaasi oo ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Dilka kadib Maxkamada ayaa sheegtay Yariisoow in uu kasoo baxsaday goobta falka uu ka geystay ee Beledweyne isla markaana uu isku soo dhiibay kuna biiray Ciidan loo tababarayay Booliska Soomaaliya kuwaasoo qoristooda ay ka socotay dugsiga Tababarka ee General Kaahiye.

Waxaa kaloo la sheegay in Xog laga soo gudbiyey Gacan ku dhiiglaha lagu ogaaday in uu badashay magacii balse sawirka wejigiisa oo la hayay darteed ay xafiiska xeer ilaalintu kasoo dhex qabatay xarunta dugisga tababarka Generaal Kaahiiye isla markaana ku wareejisay maxkamada ciidamada qalabka sida ee dalka.

Ugu dambeyntii cadeymo iyo marqaatiyaal kadib eedeysane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa maxkamada ciidanka qalabka sida ku xukuntay dil toogasho ah balse Cabdiraxmaan ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo rafcaan hadii uusan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *