Askari ku dhintay Is-rasaaseyn dhexmartay ciidamada xaduuda Masar iyo Israel

Published: May 28, 2024

Xubin ka tirsan ciidamada ammaanka Masar ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday meel u dhow xuduudka Rafah ee u dhexeeya Masar iyo marinka Qasa, waxaana socda baaritaan, afhayeen u hadlay milateriga Masar ayaa sidaas ku sheegay qoraal ay soo saareen Isniintii shalay.

Milatariga Israel ayaa goor sii horeysay sheegay in ay baarayaan wararka sheegaya in rasaas ay isweydaarsadeen askarta Israel iyo Masar.

Gelinkii dambe ee Isniintii, Masar waxa ay ka digtay in la carqaladeeyo ammaanka iyo badbaadada ciidamadeeda ammaanka, sarkaal sare ayaa u sheegay warbaahinta al-Qahera oo ku dhaw xukuumada Masar, isaga oo intaa ku daray in Masar ay qaadi doonto tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay uga hortagto in dhacdadani soo noqoto.

Dowlada Masar oo aan xiligan dooneyn inay dagaal la gasho Israel ayaa ka cabsi qabta in dhacdadan sare u sii qaado carada shacabka Masaarida oo si weyn u dhaliilsan xukuumadooda.

Baaritaano horudhac ah oo la sameeyay ayaa muujinayay in askariga Masar ee fadhiya daar waardiye ee xaduuda uu ka falceliyay markii uu arkay gaari gaashaaman oo ay saaran yihiin ciidamada Israel oo baacsanayey dad Falastiiniyiin ah oo ay xaduuda ku dileen, sida ay sheegeen laba ka mid ah saraakiisha ammaanka Masar.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in askariga uu rasaas ku furay ciidamada Israel, iyagana u jawaabeen taasi oo keentay in askariga uu geeriyoodo, waxaana halkaasi ka dhashay rasaas ay labada dhinac isweydaarsadeen. Dhawr askari oo Israa’iiliyiin ah ayaa la dhaawacay.

Israa’iil ayaa horaantii bishan la wareegtay gacan ku haynta marinka Rafax ee dhanka Qasa ee xadka, kadib markii ay xoojisay duullaanka militari ee ay ku qaadayso aaggaas, arrintaasi oo ay Masar dhaliiceysay.

Dowlada Masar ayaa kamid ah dalalka xiriirka tooska ah laleh Israel ayaa ka qeyb qaadaneysay wadahadalka xabad joojinta ee laga dhex waday Israel iyo Xamaas.

Horey ayey u dhaceen iska horimaadyo kooban oo dhexmaray ciidamada labada dhinac.

Bishii Juun 2023, saddex askari oo Israa’iili ah iyo sarkaal Masaari ah ayaa lagu dilay iska horimaad ka dhacay xadka.

Masar iyo Israa’iil ayaa heshiis nabadeed kala saxiixday 1979.

Horseed Media