Askari Loo Qisaasay Dil Bareer ah oo u Gaystay 5 Sanno ka Hor

Published: May 28, 2020

Maxkamada Ciidamada ee Puntland ayaa maanta dil ku fulisay Askari si bareer ah u dilay alle naxariistii janno ha siiyee Taliyihii ciidamada ammanka Garoonka Diyaaradaha Bosaso Xasan Shire Amaan

Bidix,Askarigii dilka lagu fuliyay iyo Alle ha u naxariistee Taliyihii hore ee Garoonka Bosaso Xasan Shire Ammaan

Askaran oo lagu magacaabo Axmed Aadan Maxamed Gaagaale ayaa lagu toogtay meel fagaare ah oo ku taal magaaladda Bosaso ee xarunta Gobolka Bari, waxaana qisaasta dilka fuliyay wiil uu dhalay Taliyuhu.

Qoyska Taliye Xasan Shir Amaan oo goobjoog ahaa ayaa soo dhaweeyay fulinta xukunka qisaasta, iyagoo u mahadceliyay Dowladda Puntland. Sidoo kale waxaa goojoog ahaa Guddoomiyaha maxkamada Ciidamada Qalabka sida.

Taliyaha Xasan Shire Ammaan oo masuul ka ahaa ammaanka Garoonka diyaaraha Bosaso ayaa waxaa 7 bishii December 2015kii toogtay askariga maanta dilka lagu fuliyay, kaasi oo markii dambe baxsaday. Askarigan oo muddo saddex sanno baxsad ahaa ayaa ciidamada amnigu soo qabtay sanadkii hore.

Alle u naxariiste Taliyaha Xasan Shire Ammaan waxaa lagu xasuustaa inuu si gaar ah isaga xil saaray ammaanka Injineeradii iyo shaqaalihi Shiinayska ahaa ee dhisayay Garoonka diyaaraha Bosaso, waxaana garoonka la dhameeyay oo si rasmi ah loo furay bil ka dib geeridiisii

Dhinaca kale, Maxkamada Ciidamada waxay xukuntay in dowladda Puntland ay diyo ahaan u siiso askariga dilka maanta lagu fuliyay 67 neef oo geel ah oo dhaawacyo soo gaaray markii la soo qabanayay.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *