Askari Maraykan ah oo isku hor-gubay Safaarada Israel isagoo ka gadoodsan xasuuqa ka socda Gaza

Published: February 27, 2024
Shares14

Aaron Bushnell oo ah 25 jir ka tirsan Ciidamada Cirka ee Mareykanka ayaa Axaddii lasoo dhaafay isku horgubay safaarada Israel ku leedahay Washington DC ayaa maanta geeriyooday, askarigan ayaa xiliga uu is gubayey ku dhawaaqayey in Falastiin la xoreeyo.

Askarigan ka gadooday xasuuqa Israel ka wado Gaza iyo taageerada uu Mareykanka siinayo xasuuqa ka socda Gaza, ayaa baraha bulshaa ku qoray:

Hadda kadib kama sii qeyb qaadan karo xasuuq. Waxaan ku dhaqaaqi doonaa fal mudaharaad ah oo xad-dhaaf ah oo argagaxleh, laakiin falkan waa mid aan marnaba gaari karin dhibaatada maalin walba lagu hayo shacabka Falastiin iyo xasuuqa ay ku kacayaan gumaystayaashooda (Israel). Falalka noocaas ah ayey rabaan inay caadi nooga dhigaan kooxaha ka taliya Mareykanka.

Muuqaalo muujinaya mudaharaadka iyo xiliga uu Bushnell is gubay ayaa baraha bulshada ku baahay.

Bishii Disembar 2023, qof kale ayaa isku gubay bannaanka Qunsuliyadda Israa’iil ee magaalada Atlanta ee gobalka Georgia, isagoo ka mudaaharaadaya Israa’iil weerarrada ay ka waddo Gaza.

Israa’iil ayaa weerar ba’an ku qaaday marinka Qaza tan iyo 7-dii bishii Oktoober kadib weerarkii kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ay ku dishay 1,200 Israa’iiliyiin ah. Tirada Israel ay ku dishay Gaza ayaa gareysa ugu yaraan 29,690 oo qof.

Duulaanka Israa’iil ee Qasa ayaa bara-kiciyey 85% dadkii dhulkaas ku noolaa iyada oo laga jaray Cuntadii, biyihii iyo dawooyinkii, halka 60% kaabayaashii deegaanka ay waxyeelo soo gaadhay ama la burburiyey, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ayaa xiligan dhageysaneysa Kiisaska xasuuqa Israa’iil geysatay iyo gumeysiga ay ku heyso Falastiin. Go’aan ku meel gaar ah oo ay Maxkamadda soo saartay bishii Janaayo ayaa lagu amray Israel inay joojiso falalka xasuuqa ah ayna qaado tillaabooyin lagu dammaanad qaadayo in gargaarka bini’aadantinimo la gaarsiiyo dadka rayidka ah ee Gaza.

Hase-yeeshee duulaanka Israel ayaa sii socoday si aan kala go’a lahayn, sidoo kale gaarsiinta gargaarka shacabka Gaza ayaa weli ah mid aan ku filneyn in wax looga qabto masiibada bini’aadantinimo ee halkaas ka jirta.

Horseed Media