ATMIS oo Soomaaliya u ballan qaaday inay kala shaqeyneyso dagaalka Al-shabaab

Published: December 6, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Guddiga Midowga Afrika ahna madaxa ATMIS, Souef Mohamed El-Amine.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Danjire Souef ayaa si gaar ah looga hadlay arrimaha amniga, dadaallada dib-u-xoreynta, xasillinta iyo doorka ATMIS ee dagaalka lagu cirib tirayo Al-shabaab.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ciidanka Midawga Afrika uga mahad celiyay doorkooda dhismaha nabad-gelyada dalka.

Madaxa ATMIS, Souef Mohamed El-Amine ayaa intii uu kulanku socday waxuuu dowladda Soomaaliya ugu hambalyeeyay guulaha la taaban karo ee ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay ka soo hooyeen dagaalka lagula jiro Al-shabaab, gaar ahaan  guushii ugu dambeysay ee looga xorreeyay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Danjire Souef ayaa ballan qaaday in ATMIS ay dowladda Federaalka Soomaaliya kala shaqeyneyso dagaalka lagu ciribtirayo Al-shabaab iyo dadaallada Xukuumadda ee amniga iyo xasilloonida dalka looga hir-gelinayo.

Horseed Media