Atooraha Badda Liido oo caan ka ahaa baraha bulshada oo Muqdisho lagu dilay

Published: April 29, 2022


Allaha unaxariistee waxaa xalay lagu dilay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xaafadda Taleex ee Degmada Hodan Cismaan Salaad Daahir oo ku magac dheeraa “Atooraha Badda Liido”.

Sida dad goob joogayaal ah ay sheegeen waxaa dilka fuliyay dabley hubaysan.

Cismaan Salaad Daahir ayaa ka mid ahaa Ciidanka Booliska Soomaaliya, waxaana sidoo kale uu ka mid ahaa dhalinyarada sida weyn looga garanayo caasimadda.

Sidoo kale waxaa lagu xasuustaa Caawinta iyo u gar-gaaaridda dadka danyarta ah, oo baraha bulshada ayuu kasoo muuqan jiray isagoo ku guda jira howlo samafal ah.

Dad aad u bdaan ayaa ka falceliyay geerida marxuumka , isagoo ahaa nin aad looga yaqaano baraha bulshada ee Internetka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *