AUSTRIA: Ninkii geystay weerarkii Vienna iyo bandow lagu soo rogay Magaalada

Published: November 3, 2020

Wasaarada Arrimaha gudaha ee dalka Austria ayaa maanta faah faahin ka bixisay weerarkii xalay ka dhacay magaalada Vienna oo la sheegay inuu ahaa weerar argagaxiso oo ay geysteen kooxo taageersan Daacish (ISIS).

Wasiirka Arrimaha Gudaha Karl Nehammer ayaa sheegay in la aqoonsaday mid kamid ah kooxda weerarka geystay oo la sheegay inuu yahay 20 sano jir asal ahaan kasoo jeeda dalka Waqooyiga Macedonia.

Ninka hubeysan oo ay booliiska toogteen ayaa la sheegay in dhawaan xabsiga laga soo daayey. Bishii April ee sanadkii hore 2019 ayey maxkamada ku xukuntay 22 bilood oo xabsi ah kadib markii la qabtay isagoo doonaya inuu aado dagaalka ka socda Siiriya, waxaana xabsiga laga soo daayey bishii December.

Wuxuu kahor intuusan weerarkan geysan bartiisa Instagram ku faafiyey sawiro muujinaya hubka uu heystay.

Waxaa magaalada Vienna la geliyey bandow iyadoo weli la baadi goobayo qaar kamid ah dadka la tuhunsan yahay inay ka qeyb qaateen weerarkii xalay oo ay ku dhinteen 4 qof, waxaana weerarkaasi tirada ku dhaawacantay la sheegay inay gaareyso 17 qof.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *