Axmed Karaash oo daah-furey Imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland

Published: May 28, 2022

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta daah-furay Imtixaanka Sanad dugsiyeedka 2021-2022.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo Imtixaanka ka daahfuray dugsiga Sare ee Gambool ee Magaalada Garowe ayaa hambalyo u diray Ardayda saaka u fadhiisatay Imtixaanka oo ka kooban 18550 Arday oo isugu jira Fasalka 4-aad ee dugsiga Sare iyo Fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe.

Dugsiyada sare waxaa sanadkan u fadhiistay Imtixaanka 5940 Arday oo kala ah 3667 Wiil iyo 2273 gabdhood, halka dugsiga dhexe ay u fadhiisteen 12610 arday oo kala ah 5308 gabdhood iyo 7302 Wiil.

Imtixaanka ayaa saaka ka furamay 136 goobood iyada oo ay fulinayaan 948 Macalin iyo 189 hawl-wadeen.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa uga mahadceliyay bahda waxbarashada shaqada wanaagsan ee ay hayaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *