Axmed Karaash oo lagu soo dhoweeyey magaalada Bosaso

Published: April 29, 2022

Kusimaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bari.

Maamulka gobolka Bari, kan Degmada Bosaso iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa Kusimaha Madaxweynaha kusoo dhaweeyey afaafka hore ee laga galo magaalada.

Soo dhaweyn kadib Madaxweyne kuxigeenka oo faah faahiyay safarkiisa ayaa waxaa uu ku sheegay in uu ujeedkiisa uu yahay mid uu ugu kuurgalayo Amniga, Abaaraha iyo xaaladaha kale ee kajira Magaalada.

Kusimaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne ku xigeenka, ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Bosaso waxa uu kulamo la yeelan doonaa maamulka gobolka, kan degmada iyo qaybaha kala duwan bulshada.

Waxyaabaha laga diiwaan geliyey soo dhaweyntii k simaha Madaxweynaha Puntland ayaa ahayd midowga ciidamada kala geddisan ee Puntland iyo sida ay amniga u sugayeen.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *