Axmed Karaash oo u hambalyeeyay ciidamada Soomaaliya iyo Munaasabada 62-guurada

Published: April 12, 2022

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Ciidamada xooga Dalka Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan ugu hambalyeeyay sanad guurada 62-aad ee kasoo wareegatay markii la’aasaasay.

Hambalyo Sanad guurada 62-aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed 12-April 1960.

Waxaan Hambalyada Munaasabada 12-ka April la wadaagayaa Sareeyayaasha, Saraakiisha, Saraakiil xigeenada, Alifleyda, Dableyda, Xaasaskooda iyo Caruurtooda meel ay joogaanba.” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Dowladda Puntland ayaa muhimad gaar ah siisay dhismaha iyo dib-u-habeynta Ciidamada, waxaana Madaxweyne Ku-xigeenku ku boggaadiyay difaaca iyo naf hurnimada ay u sameynayaan illaalinta nabadgelyada iyo amniga Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *