Axmed Madoobe Oo Fariin U Diray Farmaajo – VIDEO

Published: January 9, 2021

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo xalay khudbad ka jeediyey munaasabada sanad guurada 2aad ee doorashada madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in khilaafka ka taagan arimaha doorashooyinka ay sal u tahay arinta gobolka Gedo waxaana uu kugu baaqay madaxweynaha dowlada federaalka ah inuu la yimaado aragti caafimaad qabta oo lagu xalin karo xaalada halkaas ka jirta.

Wuxuu intaas ku daray in sharafta madaxweynaha iyo maqaamka uu joogo ay ka hoosayso in uu isku dhajiyo gobolka Gedo iyadoo ay muhiim tahay in gacanta Jubaland lagu soo celiyo gobolkaas si ay uga dhaqan gasho doorasho ay masuul ka tahay Jubaland.

“khilaafka ka jira Gedo Madaxweynow adiga sharaf kuu aheyn yeysan kugu dhicin suuro ah in Madaxweynaha uu is xijisiinayo gobolkaas oo dan gaar uu ku leeyahay waa mid saameyn ku yeelaneysa dowladnimadada iyo Madaxtinimadada haddii arrintada gobol ku koobnaato waxaa kugu adkaaneysa in aad gobolada kale xukunto haddii caqabad jiraan waxaa u baahan in laga wada hadlana oo la isu yimaado. Waxaan aad ugu talinayaa in shir la isugu yimaado”

Axmed Islmaam

Axmed Islaam ayaa sheegay Jubaland inay ka go’an tahay in doorashada dalka ay ku dhacdo jawi wanaagsan dhamaan dhinacyaduna ay tahay in wax walba lagu xaliyo wada hadal si doorasho la isku raacsan yahay ay dalka uga dhacdo.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *