Axmed Karaash oo Shir-guddoomiyey Shir ku saabsan ka hortagga Nafaqa darrada

Published: July 5, 2022

Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shir heer Wasiiro ah oo ku saabsan ka hortagga Nafaqa darrada.

Kulanka oo Lixdii biloodba mar la qabto ayaa looga hadlay, udiyaar garowga iyo ka hortaga macaluusha ay keeni karto Abbaaraha daba dheeraaday.

Sidoo kale waxaa shirkan lagu soo qaaday dibu eegista shaqooyinkii qabsoomay sanadihii lasoo dhaafay iyo sidii Mashruuca loo daadajin lahaa.

Deegaanada Soomaaliya waxaa ka taagan Abaar daran taas saameyn ku yeelatay nolosha dad badan oo xoolo dhaqato iyo beeraley isugu jira.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *