Ayman al-Zawahiri: Madaxii Al-Qacida ayaa lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka fuliyay Kabul

Published: August 2, 2022

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in hogaamiyaha ugu sareeya Al-Qacida Ayman Al-Zawahiri lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday dalka Afghanistan.

Al-Zawahiri, oo 71-jir ah, ayaa Ururka Al-Qaacida hoggaaminayay tan iyo markii aasaasihii kooxdan Usama Bin Laden lagu dilay howlgal uu Mareykanku ka fuliyay Pakistan sannadkii 2011-kii.

“Caddaaladdii ayaa timid,” ayuu yiri Biden ka dib markii uu xaqiijiyay warar hore oo sheegayay in al-Zawahiri la dilay. “Hoggaamiyahii argagixisada hadda ma noola”

Joe Biden

Biden waxa uu sheegay in uu rajaynayo in dilka al-Zawahiri uu u keeno caddaalad qoysaska dhibanayaasha weeraradii Sebtembar 11, 2001.

Maxaan ka ognahay howlgalka Mareykanka?

Mareykanka ayaa duqeynta fuliyay isbuucaan dhamaadkiisa, balse dib u dhigay sii deynta xogta ilaa laga xaqiijinayo dhimashadiisa, sida ay saraakiishu sheegeen horaantii Isniintii.

Biden ayaa xaqiijiyay in howlgalka la dagaalanka argagixisanimada uu ahaa mid “guuleystay” isla markaana aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah.

Waxa uu sheegay in uu oggolaaday howlgalkaasi todobaadkii hore, islamarkaana la fuliyay Sabtidii.

Sida laga soo xigtay madaxweynaha Mareykanka, al-Zawahiri wuxuu u guuray Kabul si uu ula midoobo qoyskiisa. “Mid ka mid ah qoyskiisa lama dhaawacmin, markii hawlgalka la fulinaayey” Biden ayaa sidaas yiri.

Meel kasta oo aad ku dhuumato, Maraykanka ayaa ku heli doona oo ku soo saaraya,” ayuu raaciyay.

Wakaalada wararka ee AP ayaa goor sii horeysay ka soo xigatay sarkaal ka tirsan sirdoonka Mareykanka in guriga uu ku sugnaa al-Zawahri uu lahaa kaaliyaha sare ee hogaamiyaha Taliban Sirajuddin Haqqani.

Weerarkan ugu dambeeyay ayaa loo badinayaa in sii xumeynayo xiriirka Washington iyo Talibaan kaas oo markii horeba xumaaday.

Maxay yiraahdeen saraakiisha Afgaanistaan?

Dhammaadkii todobaadka, wasaaradda arrimaha gudaha ee Taliban ayaa markii hore beenisay wararka sheegaya in diyaarad aan duuliye lahayn ay weerar ka geysatay Kabul.

Laakin afhayeenka Taliban Zabihullah Mujahid ayaa sheegay subaxnimadii hore ee Talaadada in “weerar dhanka cirka ah” ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay ku qaadeen guri ku yaala deegaanka Sherpur ee caasimadda.

War qoraal ah oo ay soo saartay xukuumadda Taliban ayaa lagu cambaareeyay weerarka Mareykanka, iyadoo sheegtay inuu ka dhigan yahay “xadgudub cad oo ka dhan ah mabaadi’da caalamiga ah iyo heshiiskii Doha,” heshiiskii 2020 ee horseeday in Mareykanka uu ka baxo Afgaanistaan.

Kumuu ahaa Ayman al-Zawahiri?

al-Zawaahiri waxa uu ahaa dhakhtar Indhaha oo u dhashey dalka Masar waxaa lagu sheegay inuu ka mid ahaa maskaxdii ka dambeysay weeraradii lagu qaaday Mareykanka 11-kii September 2001-dii oo ay ku dhinteen ku dhawaad ​​3,000 oo qof.

al-Zawaahiri waxa uu dhashay 1951kii, waxa uu ka dhashay qoys hodan ah oo caan ka ahaa Qaahira.

Isaga oo dhalinyaro ah, waxa uu ka mid noqday kooxda islaamiga ah ee la mamnuucay ee Ikhwaanul Muslimiin.

Waxa uu ka mid ahaa boqolaal la xiray oo lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa dilkii Madaxweynihii Masar Anwar Saadaat 1981kii.

In kasta oo lagu waayay dambigii lagu soo oogay, haddana waxa uu saddex sano ku qaatay xabsiga Masar isaga oo lagu eedaynayo in uu hub haysto – xabsigaas oo la sheegay in uu ka qaadey xagjirnimo fog.

Waxa uu u safray Afgaanistaan ​​ka dib markii la sii daayay, halkaas oo uu ku bartay Usmaana Bin Laden oo uu ka qayb qaatay dagaalkii ka dhanka ahaa ciidamadii shuuciga ee Midowga Soofiyeytiga.

Al-Zawaahiri iyo Soomaaliya

Ayman al-Zawaahiri aya marar badan cajilado uu soo duubay uga hadley ururka al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya kaas oo bayco la galay al-Qaacida iyo hoggaamiyahooda, a-Shabaab waxay xubin ka noqdeen Al-Qaacida sabadkii 2012.

Usaama Bin Ladin ayaa diidanaa in Al Shabaab xubin ka noqoto Al Qacida, sida laga soo xigtey xog la helay dilkiisi kadib, halka uu arrintaasi taageersanaa kuxigeenkiisa Ayman Al Zawahiri oo markuu xilka Al Qacida qabtay kooxda Al Shabaab u aqoonsaday xubin kamid ah ururada Al Qacida hoostaga.

Horseed media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *