Baaq laga soo saaray wax ka qabashada cunto-yaraanta ka jirta Gobolka Geeska Afrika

Published: October 8, 2022

Iyadoo dalalka dhaca bariga Afrika ay ka jiraan Abaaro daran ayaa Urur goboleedka IGAD, hay’adaha samafalka iyo saaxiibada kale ee ka taageera mashaariicda horumarinta waxa ay ku baaqeen in iskaashi ballaaran laga sameeyo sidii loola tacaali lahaa gaajada iyo cunto yaraanta ka jirta gobolka.

Wasiiro ka kala socda illaa sideed dal oo xubno ka ah urur goboleedka IGAD ayaa toddobaadkan ku kulmay magaalada Nairobi, si ay uga wada hadlaan in xal loo helo dhibaatooyinka bini’aadanimo ee ka taagan gobolka.

Qiyaastii illaa 51 milyan oo qof oo ku nool wadamada bariga Afrika ayaa si aad ah ugu baahan cunto, biyo iyo daawo.

Agaasimaha gobolka u qaabilsan hay’adda cuntada adduunka ee Bariga Afrika, Michael Dunford, ayaa sheegay in loo baahan yahay in la qaado tallaabo degdeg ah.

WFP ayaa sheegtay in baahida sanadlaha ah ee gobolku ay kor ugu kacday $4.3 bilyan illaa $6 bilyan, inkasta oo ay heshay xoogaa deeqo ah, haddana wali ma aanay daboolin baahida jirta.

Maxamed Malick, oo ah agaasimaha hay’adda UNICEF u qaabilsan Bariga iyo Koonfurta Afrika, ayaa sheegay in gobolku uu waayayo jiilkii soo kacayey, ka dib markii ay soo foodsaartay cunto yari iyo biyo la’aan baahsan.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka ay sida weyn ay u saameysay abaartu, iyadoo in ka badan toddoba milyan oo qof ay haysato cunto yari.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Soomaaliya, Axmed Madoobe Nuunow, ayaa sheegay in colaadaha iyo dowlad la’aanta ka jirta qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya inay keentay in dadka ay ku adkaato inay noloshooda maareeyaan.

Horseed Media