Baardheere: Dad ku dhintay daadad & Fatahaad uu sameeyay Webiga Jubba

Published: March 24, 2023

Roob saacadihii la soo dhaafay si xiriir ah uga da’ayay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ka dhashay daadad ku soo rogmaday qaar kamid ah xaafadaha Degmadaasi.

Daadadka Roobka iyo Fatahaad la sheegay in uu sameeyay Wabiga Jubba ayaa sababay dhimada dad isku qoys ah oo tiradoodu gaareysa 3 ruux oo kala ah Hooyo iyo Labo carruur ay dhashay sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale dadka degaanka ayaa sheegay in 3 ruux oo kale ay ku dhinteen isla Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo oo wadarta Dadka ku geeriyooday ka dhigeysa 6 ruux inkasta uusan jirin mas’uul katirsan Maamulka Degmadaas katirsan oo ka hadlay.

Todobaadkaan inta lagu guda jiray Degmada Baardheere waxaa daadadka ka dhashay Roob ka da’ay ku dhintay labo wiil oo dhalinyaro ah kaddib markii ay ku dhaceen meel god ah oo markii ay waayeen cid u gurmata halkaas ku geeriyootay.

Horseed Media