Baarlamaanka Puntland, Maxay Ka yeeli Doonaan Wasiirada Garoomada iyo Kan Dekadaha?

Published: July 23, 2022
Wasiirada garoomada iyo kan dekadaha
Bidix; Wasiirka Duulista hawada iyo garoomada Xuseen Lugatoor iyo Wasiirka Dekadaha Axmed Yaasiin

Xildhibaanad Golaha Wakiilada ee Puntland ayaa kalfadhigoodi 50aad kula xisaabtamaya golaha xukuumadda ee Dowladda Puntland, waxaa ilaa hadda golaha hor yimid wasaarado ka badan 10, iyo hay’ado dhawr ah.

Waxyaabaha xiisaha lahaa ee isla xisaabtankan ka soo baxay waxaa kamid ah heshiisyada lagula wareegay Garoomada Puntland iyo heshiiskii dekadda Bosaso ee wax weyn laga beddalay kaas oo aan Baarlamaanka la hor keenin.

Wasiirada Duulista iyo Garoomada Puntland iyo Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa isku dayey in ay difaacaan heshiisyo aan gacantooda ku jirin, waxayna ku fashilmeen in ay golaha Baarlamaanka hor keenaan heshiisyadaas, Wasiirka Dekadaha ayaa baarlamaanka la horyimid heshiis aan sax ahayn oo u ku saxiixan yahay Wasiir xiligii Cabdiweli Cali Gaas sida uu sheegay Afhayeenka Golaha wakiilada Puntland, halka wasiirka Duulista iyo Garoomadu uu gacmo maran la horyimid baarlamaanka, waxaana loo qabtey ugu danbeyn 21 Luulyo 2022 in ay Baarlamaanku ku horkeenaan heshiisyada.

Haddaba, maadaama ay shacabka hortooda wasiiradan ay isku dayeen in ay difaacaan heshiisyo aysan gacanta ku hayn, kuna fashilmeen in ay xiligii loogu tala galay ku keenaan, maxay noqon doontaa tallaabada Xildhibaanada Golaha wakiiladu ka qaadi doonaan?.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *