Baarlamaanka Puntland Oo Ansixiyey Xeerka Ilaalinta Af-Soomaaliga

Published: November 18, 2020

Golaha Wakiilada Puntland ayaa maanta fadhiga 14-aad ee Kalfadhiga 47-aad ee golaha ku ansixiyey xeerka ilaalinta Af-Soomaaliga, kadib dood dheer waxaa cod gacan-taag ah ku ogolaaday 34 mudane, seddex mudane ayaa ka aamustay, cidina ma diidin.

Ujeeddooyinka xeerka ayaa ah Badbaadinta iyo horumarinta Afka hooyo oo ah furaha aqoonta iyo horumarka, sidoo kale waxa uu si faah-faahsan uga hadlayaa dhiiri-gelinta iyo gacan-siinta dadaallada dhinacyada ku hawlan badbaadinta, horumarinta afka, nooleynta, kaydinta sooyaalka, hiddaha iyo dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed.

Xeerka ayaa waxaa soo gudbiyey Golaha Xukumadda gaar ahaan Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hiddaha iyo Dhaqanka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *