Baarlamaanka Puntland Oo Dhageysanaya Ajandayaasha Siyaasadeed Ee Musharaxiinta Madaxtinimada 2024

Published: January 7, 2024

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad, Maxamed Baari Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Maxamed Maxamuud Ciise ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Guddoomiye Cabdirisaaq ayaa shirka furay, waxaana ajanduhu ahaa hadal-jeedinta musharixiinta isu soo diiwaan-gelisay qabashada xilalka Madaxweynaha & Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland.

Musharaxiinta ayaa golaha wakiilada usoo bandhigaya qorsheyaashooda waxqabad oo ay ku hoggaamin doonaan Dawladda Puntland, 5ta sanno ee socota.

22 Musharax ayaa isku diiwaangeliyey xilka madaxtooyada Puntland, 11 Musharax Madaxweyne iyo 11 Musharax M/Kuxigeen.

Horseed Media