Baarlamaanka Puntland Oo Doortay Guddoonka Cusub 2024/2029

Published: January 4, 2024
Shares4

Baarlamaanka Puntland ayaa maanta oo khamiis ah 04/Jan/2024, waxay doorteen guddoomiyaha cusub ee golaha wakiilada iyo kuxigeenadiisa 5-sanno ee socota (2024-2029).

Tartanka guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland oo wareegii koowaad lagu kala adkaaday ayaa waxaa ku guuleystay aqlabiyadda golaha Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Siciid oo helay 37, halka musharaxiintii kale oo ahaa Xildhibaan Maxamed Faarax Maxamed (Gabyow), Xildhibaan Mursal Maxamuud Cabdi iyo guddoomiyihii hore ee golaha, Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ay heleen codad dhan 29 mudane, taasi oo u saamixi weyday inay u gudbaan wareegga labaad.

Doorashada Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee golaha wakiilada Puntand oo u muuqatay mid ka adag doorashadii guddoomiyaha ayaa waxaa wareeggii koowaad ku tartamay lix musharax oo kala ahaa Xildhibaan Maxamed Baari Shire, Xildhibaan Maxamuud Shire Cismaan (Faatax), Xildhibaan Xareed Cali Xasan, Xildhibaan Maxamed Maxamuud Cabdi (Shendi), Xildhibaan Axmed Siciid Yuusuf, Xildhibaan Abuubakar Maxamed Cumar.

Wareegii labaad ee doorashada g/kuxigeenka 1aad waxaa u gudbay Xildhibaan Maxamed Baarri Shire, Xildhibaan Maxamuud Shire (Faatax) iyo Xildhibaan Abuubakar Maxamed Cumar, intaasi kadib waxaa wareegii 3aad ku adkaaday Xildhibaan Maxamed Baarri Shire oo ka guuleystay Xildhibaan Abuubakar Maxamed Cumar.

Doorashada Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee golaha wakiilada Puntland waxaa ku guuleystay isna Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ciise (Awoowe), waxaana kula tartamay seddex musharax oo kala ahaa Xildhibaan Mowliid Abuukar Caafi, Xildhibaan Xasan Ducaale Cali (Dhagaxtuur) iyo Xildhibaan Khadar Faarax Maxamed.

Ugu dambayn guddiga doorashada guddoonka baarlamaanka Puntland ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada oo kala ahayd:

  • Guddoomiye, Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Siciid,
  • Guddoomiye kuxigeenka 1aad, Xildhibaan Maxamed Baarri Shire
  • Guddoomiye kuxigeenka 2aad, Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ciise (Awoowe)

Horseed Media