Baarlamaanka Puntland oo mar kale kala diray Maxkamadda Sare

Published: July 7, 2022

Golaha Wakiilada ee Puntland ayaa mar labaad kala direy Golaha Adeega Garsoorka ee Maxkamadda sare, kadib markii Madaxweynaha Puntland uu dib u soo magacaabey markii ay kalsooni ka waayeen baarlamaanka..

Fadhiga Baarlamaanka ee maanta oo Khamiis ah waxaa joogey 40 Xildhibaan, waxaana Golaha Maxkamadda Sare ay waayeen cod ku filan.

Golaha wakiiladu waxay sharci darro ku tilmaameen in Madaxweynuhu Wareegto soo saaro, iyada oo aysan gaarin go’aankii Baarlamaanka ee ay kalsoonida kala noqdeen

Waa markii labaad oo ay kalsoonida waayaan, waxaana Baarlamaanku ugu baaqey in Madaxweynaha Puntland dib u soo magacaabo iyada oo loo maraayo waddo sax ah.

Guddi ayaa baarlamaanku u saareen magacaabidda uu Madaxweynuhu la haliiley, ayaa gaarey in ay sharcigaba baal marsaneyd magacaabidda labaad.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *