Baarlamaanka Puntland Oo Xasaanadii Ka Qaaday 8 Xildhibaan – VIDEO

Published: December 3, 2020

Golaha wakiilada Puntland oo maanta yeeshay fadhiga 20-aad ee Kalfadhiga 47-aad ayaa xasaanadii ka qaaday 8 mudane oo ka tirsan golaha, kuwaas oo ay soo eedaysay xeer ilaalinta Puntland.

Fadhiga ajandaha oo ahaa dhageysiga eed uu Golaha wakiillada u soo gudbiyay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Puntland, tasoo laga soo gudbiyey 8 Xildhibaan oo ka tirsanaa Golaha Wakiillada oo kala ah:

1.Xildhinaan Cabdijamal Cismaan

2.Xildhibaan Cabdiqani surato

3.Xildhibaan Muuse Jajabsay

4.Xildhibaan Baduugaaye

5.Xildhibaan Maxamuud Maxamed Barre

6.Xildhibaan Saleeban Faarax.

7.Xildhibaan Cabdiraxman Dhoore

8.Xildhibaan Maxamud Axmed Caali.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xassan Aw Cismaan ayaa golaha la wadaagay eed ka dhan ah xildhibaannada kor ku xusan, waxa uuna codsaday in xasaannada laga xayuubiyo si dacwad loogu soo oogo, isagoo ku eedeeyey inay ku xad-gudbeen dastuurka Puntland iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.

Ugu dambeyntiina 35 mudane ayaa cod gacan-taag ah ku oggolaaday, waxaana diidey 3 mudane, halka uu ka aamusay 1 mudane.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *