Baarlamaanka Soomaaliya Oo Loo Qaybiyey Hindise Sharciyeedyada Xeerka Shaqada

Published: December 30, 2023
Shares2

Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 6aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS oo Maanta shir Guddoomineysay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo. Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, sidoo kale waxaa goob joog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow.

Kulanka ayaa ajandihiisu ahaa

1)Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hashiiska Aas-aaska Ciidamada Heeganka ah ee Bariga Afrika

2)Qeybinta Hindise-Sharciyeedyada kala ah

A)Hindise-Sharciyeedka Xeerka Shaqada Soomaaliyeed

B)Hindise-Sharciyeedka Ilaalinta iyo Taakuleynta Barakacayaasha.

Xildhibaanada oo dood dheer ka-yeeshay Hashiiska Aas-aaska Ciidamada Heeganka ah ee Bariga Afrika ayaa su.aallo kaweeydiiyay Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga ahna wasiir Ku-Xigeenka wasaaradda Gaashaandhiga Mudane Abdifitaax Qaasim oo goobjoog ahaa kulanka maanta Waxa uuna mid mid ugu jawaabay dhamaan su’aallaha Xildhibaanada ay weydiiyeen.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo. Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa soo xirtay kulanka maanta.

Horseed Media