Baarlamaanka Turkiga oo Ansixiyey in Sweden ku biirto NATO

Published: January 24, 2024

Baarlamaanka Turkiga ayaa talaadadii shalay ansixiyay sharciga ku saabsan ka mid noqoshada Sweden ee NATO.

287 mudane ayaa Haa ku codeeyay, 55 mudane ayaa diiday, halka 4 mudane ay ka aamuseen

Finland iyo Sweden – oo labaduba ku dhow ama xuduud la leh Ruushka – waxay codsadeen xubinnimada NATO wax yar ka dib markii Ruushku bilaabay dagaalka Ukraine bishii Febraayo 2022.

Balse dalka Turkiga oo ah wadanka 2aad ee ugu weyn xubnaha NATO, ayaa is-hortaag ku sameeyey xubinimada Sweden oo uu ku eedeeyey inuu dalkaasi marti geliyo kooxaha ay u aqoonsan yihiin argagaxisada sida dhaq-dhaqaaqa Kurdida ee PKK iyo waliba falalkii dalkaasi ka dhacay ee lagu gubay Kitaabka Kariimka.

Horseed Media