Banaanbax looga soo horjeedo Maamulka Somaliland oo xalay ka dhacay Laascaanood

Published: December 7, 2021

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa banaanbax xooggan oo xalay magaalada Laascaanood ay ka dhigeen dadweyne caraysan.

Banaanbaxa oo ahaa mid rabshado watay ayaa looga soo horjeeday dil habeen kahor Ciidamo katirsan Somaliland ay u geysteen gaari ay saarnaayeen dad shacab ah, waxaana intiisa badan dhigayay dhalinyarada Magaalada Laascaanood.

Ciidamada Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in ay rasaas ku fureen dadka dibadbaxa dhigayay oo qaarkood dhagxaan ku tuurayay Ciidamada, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in banaanbaxa uu ka dhashay dhaawac gaaray dibadbaxayaasha.

Ilaa iyo hada majiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha Amniga Magaalada laas-Caanood ee Somaliland kaasoo la xiriira banaanbaxa rabshadaha watay ee xalay ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *