Banaanbaxyo Xoogan Oo Ka Dhacay Boosaaso Iyo Gaalkacyo – VIDEO

Published: December 1, 2020

Banaanbaxyo xoogan oo ay soo abaabuleen dad ka caraysan go’aan uu shalay soo saaray madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee Boosaaso iyo Gaalkacyo.

Madaxweyne Deni ayaa amar uu soo saaray wuxu ku joojiyey lacagtii shillin Soomaaliga ee canshuurta looga qaadi jirey kastamka dekeda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Mudaharaadayaasha oo isugu jirey rag iyo dumar ayaa cabanayey miicashada qaaliga noqotay markuu doollarkii kacay iyo dowlada oo diiday inay canshuurta lacagta Soomaaliga ah ku qaado.

Inta badan magaalooyinka Puntland ayaa maanta laga diiday in wax lagu iibsado lacagta shillin Soomaaliga kadib amarkii shalay ee madaxweynaha Puntland.

Hoos ka daawo banaanbaxa Boosaaso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *