Bangiga Adduunka oo $70 milyan ugu deeqay horumarinta adeegyada Biyaha & Beeraha

Published: December 17, 2022

Bangiga Adduunka ayaa ansixiyay lacag dhan $70 milyan oo doolarka oo lagu horumariyo adeegyada Biyaha iyo Beeraha kaas oo laga hirgalin doona deegaanka engegan Soomaaliya kuwaas oo ay ku noolyihiin bulshooyinka reer miyiga ah.

Bangiga Adduunka ayaa sheegay Wajiga koowaad ee mashruucan in laga hirgalin doona deegaannada Somaliland, Puntland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed halka Wajiga labaad ee Mashruucaan laga hirgalin doona Hirshabeelle iyo Jubbaland.

Sidoo kale Bangiga Adduunka ayaa sheegay u jeedka ugu weyn ee laga leeyahay Mashruuca Barwaaqo uu yahay in laga hirgaliyo deegaannada ka fog fatahaadaha Wabiyada kuwaas oo dhaca Wabiyada Shabeelle iyo Jubba.

Maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson oo ka hadashay Mashruucaan ayaa sheegtay in uu biyo siin doono 500,000 oo qof, oo u dhiganta ku dhawaad 15 boqolkiiba dadka reer miyiga ah, kuwaas oo hadda helaya adeegyo kooban iyo biyo aan ku filneyn.

Horseed Media