Bangiga Adduunka oo lacag $2 bilyan oo dollar ugu deeqaya dalka Pakistan

Published: September 26, 2022
Shares8

Bangiga Adduunka ayaa sheegay in illaa $2 bilyan oo dollar inuu ku bixinayo gargaarka loo fidinayo dalka Pakistan.

Guddoomiye ku xigeenka Bangiga Adduunka ee Koonfurta Aasiya, Martin Raiser ayaa ballan-qaadkan ku dhawaaqay, ka dib markii uu soo gebagebeeyey booqashadiisii ugu horraysay ee rasmi ah ee uu dalkaa ku tago maalinimadii Sabtida.

Pakistan waxaa halakeeyeen daadad xad-dhaaf ah oo ay ku dhinteen in ka badan 1,600 oo qof, waxaana ballanqaadkani uu noqonayaa kii ugu ballaadhnaa ee illaa hadda lagu yabooho.

Roobabka dabaylaha wata iyo daadad aan hore loo arag ayaa sannadkan ku dhuftay dalka Pakistan, kuwaas oo burburiyey illaa nus malyan guri, halka ay ku dhaawacmeen illaa 13,000 oo qof guud ahaan dalkaas.

Raiser ayaa la kulmay wasiiro ka tirsan Dawladda dhexe ee Pakistan iyo wasiirka ugu sareeya ee gobolka koonfurta Sindh, oo ah gobolka ay dhibaatada ugu badani soo gaadhay, halkaas oo uu booqasho ku soo maray.

Horseed Media