Bangiga Adduunka oo lacag ugu deeqay Soomaaliya

Published: July 28, 2022
Bangiga Adduunka oo lacag ugu deeqay Dowladda Soomaaliya

Bangiga Adduunka ayaa lacag gaareysa illaa 100 milyan oo dollar u ansixiyey Dowladda Soomaaliya, taas oo loogu talagalay hormarinta dhaqaalaha dalka, si loo gaaro heerarka dhammeystirka ee barnaamijka dayn cafinta ee dalkeenna Soomaaliya.

Lacagtaan Soomaaliya loogu deeqay ayaa ujeedkeedu yahay horumarinta dadaallada dowladda ee ku aadan daah-furnaanta maaliyadeed iyo kordhinta dakhliga, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Bangiga.

Sidoo kale qoraalka waxaa lagu sheegay in deeqdaan lacageed la waafajin doono nidaamyada kastamka ee federaalka iyo hagaajinta maamulka maaliyadeed ee dowladda.

Masuul u hadley Bangiga Adduunka ayaa sheegay in dhaqaalahan wax looga qaban doono abaaraha.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *