Bangiga Iyo Sanduuqa Dhaqaalaha Adduunka Oo Ku Dhawaaqay In Soomaaliya Laga Cafiyey $4.5 bilyan Oo Deyn ah

Published: December 13, 2023

Sanduuqa dhaqaalaha Adduunka oo magaciisu loo soo gaabiyo IMF iyo Bangiga Adduunka qaybta IDA (oo bixiyo deyn aan dulsaar lahayn iyo gargaar horumarineedba) ayaa Soomaaliya u oggolaaday in laga cafiyo deymaha.

Go’aankan ayaa yimid ka dib markii DF ay ku guuleysatay dhamaystirka barnaamijka loogu talagalay in lagu samatabixiyo dalalka saboolka ah ee deymaha faraha badan lagu leeyahay oo loo yaqaan (HIPC).

Go’aankan muhiimka ah wuxuu hoos u dhigayaa deynta dibadda ee Soomaaliya oo u dhiganaa 64% ee dakhliga dalka sanadkii 2018, halka uu dhamaadka 2023 noqon doono wax ka hooseysa 6%.

Deyn Cafinta ama dib-u-qaabaynta deynta, waxay ku timid taageerada deyman-bixiyeyaal kala duwan, oo ay ka mid yihiin IMF, IDA, Sanduuqa Horumarinta Afrika (ADF), iyo hay’ado kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku nuuxnuuxsaday dadaalka xukuumdaha soo maray dalka 10kii Sano ee la soo dhaafay ay ka geysteen ilaa heerkan laga soo gaaray.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda ee XFS mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa iftiimiyay dadaalada lagu bixiyay soo kabashada dhaqaalaha qaranka, taasoo keentay korodhka dakhliga gudaha, adkeynta maamulka maaliyadda dawladda, iyo kor u qaadista awoodda hay’adaha.

Wasiirka ayaa sheegay in hormarkaasi lagu gaaray iyada oo ay jiraan caqabado ay ka mid yihiin Isbadalka Cimilada iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Dhanka kale, Maamulka IMF iyo Bangiga Adduunka aya bogaadiyay u hoggaansanaanta dalka ee shuruudaha (HIPC), xilli uu dalka wajahayay dhibaatooyin ay ka mid yihiin Caabuqa Covid-19 iyo khataraha amniga, .

Agaasimaha IMF ee Bariga Dhexe” Jihad Azour”, ayaa bogaadiyay dib u soo kabashada Soomaaliya ka dib dagaallada sokeeye iyo dadaallada siyaasadeed, halka ku xigeenka madaxa Bangiga Adduunka ee Bariga iyo Koonfurta Afrika, Victoria Kwakwa, ay ammaantay dib-u-habaynta ku socoto dhaqaalaha dalka oo qeyb ka qaadanaysa dhimista faqriga.

Dowladda Soomaaliya ayaa u taagan sii wadida dib-u-habaynta dhaqaalaha dalka, ka dib dhamaystirka barnaamijka (HIPC), iyadoo kaalmo farsamo oo joogto ah iyo hagitaan siyaasadeed ka heleysa Bangiga Adduunka iyo IMF. Bangiga Adduunka ayaa diiradda saari doonaa shanta sano ee soo socota dhisidda hay’adaha dowladda iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Cafinta deymaha ayaa Soomaaliya ka dhigaysa waddankii 37-aad ee dhamaystira barnaamika (HIPC) tan iyo markii la aasaasay 1996.

Guushan taariikhiga ah kaliya maaha in ay calaamad u tahay isbeddelka dhaqaalaha Soomaaliya, laakiin sidoo kale waxay tusaale u tahay guusha iskaashiga caalamiga ah ee ku aadan kobcinta dhaqaalaha adduunka iyo dhimista saboolnimada.

Horseed Media