Bankiga Salaam oo Bosaso ku qaadday Imtixaan loogu tartamayo boos shaqo oo ka banaan

Published: May 24, 2022

Bankiga Salaam ayaa imtixaan u qabtay dhalinyaro aqoonyahan kuwaas oo u tartamaya fursad shaqo oo ka bannaan xaruntiisa magaalada Bosaso ee gobolka Bari.

Maamulka iyo qaar kamid ah howlwadeenada Bankiga ayaa goobjoog ka ahaa goobta lagu qaadayey Imtixaanka, kaas oo ay horey u soo codsadeen tartamayaasha si ay fursadaasi shaqo uga faa’iideystaan.

Ugu horeyn Maareeyaha Bankiga Salaam Cabdirisaaq Yuusuf Cali oo la hadlay tartamayaasha ayaa sheegay in Jaanisyada shaqo ee Salaam ay mar kasta badan yihiin ayna u furan yihiin cid kasta.

Sidoo kale Mareeye Cabdirisaaq ayaa cadeeyey in imtixaanka si caddaalad ah loo sixi doono isla marakaana uu ku guuleysan doono qofka ugu sarreeya.

Mukhtaar Maxamed Khaliif oo kamid ah Guddiga Imtixaanka oo sharaxay qeybaha uu ka kooban yahay ayaa sheegay in ay kala yihiin aqoonta diinta ee asaasiga ah, Maamulka (Management) iyo Xisaabaadka (Financial Accounting).

Madaxa shaqada iyo Shaqaalaha ee Salaam Bank Ciise Maxamed Cali oo ka warbixyey ujeedooyinka loo qabtay imtixaanka ayaa sheegay in Bankiga uu ka qeb qaadanayo shaqaaleysiinta Aqoonyahanka Soomaaliyeed iyo In la xaqiiyo cadaaladda oo shaqo loo tartamo.

Ugu dambeyn, Qaar kamid ah aqoonyahankii ku tartamayey booskaas shaqo ee la dhejiyey ayaa Bankiga Salaam uga mahadceliyey furasada uu siiyey iyagoo guul u rajeeyey qofkii uu Alle u qadaro in uu ku guuleysto.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *