Bannaanbaxyo ka dhan ah Xukuumadda Muuse Biixi oo ka socda Magaalooyinka Somaliland

Published: August 11, 2022
Shares556

Magaalooyinka Somaliland waxaa saaka ka socda Bannaanbaxyo waaweyn, kaas oo ay isugu soo baxeen Kumannaan Shacab ah.

Xisbiyada Mucaaradka ee Waddani iyo Ucid oo ku dhawaaqay Banaanbaxyadan ayaa looga soo hor-jeedaa xukuumadda uu Hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Bixi Cabdi.

Sidoo kale inta badan magaalooyinka Goballada Somaliland oo ay kamid tahay caasimadda Hargeysa waxaa maanta ka go’an khadka Intarnet-ka.

Banaanbaxyada ka socda Magaalada Hargeysa dhowr qof ayaa ku dhaawacmay sida ay kusoo waramayaan dad goob-joogayaal ah.

Hoggaanka Xisbiyada Mucaaradka ee Waddani iyo Ucid ayaa horay ugu baaqay taageerayaashooda in ay isku yimaadaan Banaanbax ay ku dalbanayaan doorashada in waqtigeeda lagu qabtay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *