Barlamaanka Ethiopia oo Taageeray Qorshaha Abiy Axmed uu ku Bedelayo Maamulka Tigray

Published: November 7, 2020

Barlamaanka Ethiopia ayaa maanta sabti ah meel mariyay qorshe uu watay Ra’isul wasaare Abiy Axmed oo maamul ku meel gaar ah loogu samaynayo is maamulka Tigray-ga Itoobiya.

Ra’isul wasaaraha ayaa magacaabi doono madaxweynaha iyo saraakiisha sarsare ee maamulka Tigrey.

Dhinaca kale, Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa ku goodiyay in Ciidamada Cirka ay qaadi doonaan weerar cirka oo dheeraad oo lagu bartilmaameedsanayo saldhigyada iyo fariisamaha ciidamada Tigera ,

Jimcihii shalay ayaa diyaaradaha dagaalku waxay duqeeyeen difaacyada caasimada maamulkooda ee Mekelle iyo saldhigyo laga soo tuuro gantaal ridada dheer sida uu sheegay Ra’isul Wasaare Abiy Axmed

Madaxweynaha Tigray-ga Debretsion Gebremichael ayaa khamiistii shalay sheegay in ay iska difaaceen iskuday ahaa in lala wareego maamulkooda, wuxuuna sheegay in duulaanka lagu soo qaaday ay iska difaaci doonaan.

Waxay Tigrayga ku eedeeyeen in Abiy Ahmed uu doonayo inuu burburiyo nidaamka Federaaliga ah ee Itoobiya ku heshiisay isla markaana qorshihiisa yahay inuu dib u soo celiyo nidaam dowlad dhexe oo uu isagu maamulo.

Beesha caalamka ayaa indhaha ku haysa xaalada wadanka ethiopia iyagoo cabsi ka qaba in dagaal sokeeyo oo dabadheeraada uu ka dhaco dalkaasi oo ay ku nool yihiin dad gaaray 110 milyan oo ka kooban ilaa 80 qoomiyadood.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *