Baydhabo: Shariif Xasan oo ka hadlay Fashilka Murashaxnimadiisa Madaxweyne- VIDEO

Published: January 17, 2017

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan oo dib ugu noqday magaalada Baydhabo ayaa sheegay inay khiyaameen qaar kamid ah siyaasiyiintii uu horey balanta ulla galay.

Shariif Xasan oo dadaal dheer u galay inuu ka qeyb qaato tartanka doorashada Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray heer in Baarlamaanka Koonfur Galbeed ka codsado inay u ogolaadaan inuu xilka Maamulkaasi siihayo intuu tartanka ku jiro, arrintaasi oo ay dadka qaarkiis ku tilmaameen mid dastuurka ka horimaanaysa.

Hase yeeshee Shariif Xasan ayaa hada garwaaqsaday inuu fashil kusoo dhamaaday dadaalkii ugu jiray inuu qabto xilka Madaxweynaha kadib markii uu Guddoonka Baarlamaanka uu ku guuleystay Maxamed Cismaan Jawaari.

“…Bini`aadamka hadii wax isku dayo Waa ku guuleystaa ama kuma guuleysto, waxay ahayd iskuday fiican, waxaana jirta in dadaalkii aan u galnay in Madaxweynaha ama Raysalwasaare helaan dadka koonfur Galbeed ay ahayd mid wanaagsan, balse waxaa jiray dad ka baxay balantii horey loo wada galay…” ayuu yiri Shariif Xasan oo saxaafada kula hadlay Madaarka Baydhabo.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *