Laba Beel oo Diyo Geel ah ku kala qaatay Gobolka Karkaar-Dhegayso

Published: January 7, 2018

Maamulka degmada Qardho iyo kan gobolka Karkaar ayaa ka qeyb galay kulan labo beel oo walaalo ah lagu heshiisiinayey, kaasi oo ka dhacay magaalada Qardho.

Labadaasi beel ayaa dhawaan waxa ay dirir ku dhex martay qeybo ka mid ah gobolka Karkaar, iyadoo kulankaasi labada beel ay ku kala qaateen tiro geel ah. Odayaash ka socday labada beel oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in la soo afjaro colaadda ka dhexeysay labada beel oo in muddo ah socotay.

Maamulka degmada Qardho iyo kan gobolka Karkaar ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan heshiiska rasmiga ah ee dhexmaray beelaha kala ah Beesha Bahdir Rooble iyo beesha Bah Yacquub oo ka wada tirsan beel weynta (Cismaan Maxamuud)

Colaadda ka dhexeysay labada beel ayaa socotay in ka badan 9 sano, waxaana ku geeriyooday dad farabadan.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *