Beesha Caalamka oo cadaadis saartey FEIT in la siidaayo 4ta kursi ee GSH

Published: April 8, 2022

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa Khamiistii la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashada Federaalka (FEIT), Muuse Geelle iyo xubno kale oo ka tirsan Isla guddiga.

Sidoo kale waxaa kulanka qayb ka ahayd safiirka dalka UK ee Soomaaliya Ms Kate Foster.

Kulanka ayaa diirada lagu saarey dhamaystirka doorashada iyo sidii Xildhibaanada loo wada dhaarin lahaa 14-ka Abril, afarta kursi ee la xanibey iyo 16 kursi ee Garbahaareey.

Warar ku dhaw kulanka ayaa sheegaya in si weyn FEIT loogu canaantey arrinta xanibaada afarta kursi ee horey loo soo doortey loona sheegay in la xaliyo sida ugu dhakhsiyaha badan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *