Beesha Caalamka oo ka hadashay rabshadihii ka dhacay Hargeysa

Published: June 10, 2022

Xubnaha Beesha Caalamka, gaar ahaan wadamada taageera Somaliland ayaa war kasoo saaray rabshadihii xooganaa ee shalay ka dhacay magaalada Hargeysa.

Qoraal ay soo saareen Beesha Caalamka waxaa ay farriin ugu dirtay dhinacyada isku haya doorashada Somaliland, iyada oo ugu baaqday inay is xakameeyaan, oo ay wax weliba ku dhammeeyaan miiska wadahadalka.

Sidoo kale qoraalka oo ay si wada jir ah u soo saareen wadamada Denmark, Finland, Netherlands, Norway, Sweden, Boqortooyada Ingiriiska iyo Midowga Yurub ayaa waxaa lagu sheegay in saaxibada Somaliland ka taageera doorashooyinku ay aad uga walaacsanyihiin qalalaasihii shalay ka dhacay magaalada Hargaysa.

“Saaxibada Caalamiga ah ee la socda nidaamka dimuquraadiyadaynta Somaliland, waxay aad uga walaacsanyihiin dhacdooyinkii gacan ka hadalka watay ee Hargaysa ka dhacay kadib bannaanbixii siyaasadeed ee maanta, waxaanu dhamaan dhinacyada ku boorinaynaa in ay is xakameeyaan, si xaalada loo dajiyo, oo dhaawac iyo dhibaato looga fogaado” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo ay soo jeediyeen xubnaha Beesha Caalamka, si loo ilaaliyo nabada, daganaanshaha iyo dimuquraadiyada in ay dhinacyadu kusoo laabtaan miiska wadahadalada, si la’skula afgarto sidii hore loogu dhaqaaqi lahaa.

Somaliland ayaa  haatan waxaa wajaheysaa xaalad siyaasadeed oo cakiran, taas oo ka dhalatay muranka doorashooyinka oo ay isku hayaan xisbiyada mucaaradka iyo xukuumadda.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *