Beesha Caalamka oo Soo Dhaweeysay Casuumada u Farmaajo u Fidiyay Maamul Goboleedyada

Published: June 16, 2020

Beesha Caalamka ayaa soo dhaweeysey casuumadii uu madaxweynaha dowladda Federaalka Somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u fidiyay madaxda maamul goboleedyada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa 14kii bishan ku dhawaaqay in la qaban doono shir dhexmara dowladda federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir kaasi oo looga hadli doono doorashada iyo arrimaha amniga dalka

Qoraal ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay tallabaada uu madaxweyne Farmaajo qaaday ay tahay mid xoojinaysa iskaashiga dhinacyada Somalida.

““Waxaan soo dhoweynaynaa dadaallada joogtada ah ee loo galay wadahadalka, dib-u-heshiisiinta iyo isu-tanaasulka ka dhexeeya madaxda siyaasadeed. Waxaan sidoo kale soo dhaweyneynaa baadi-goobka loogu jiro in xal laga gaaro khilaafaadka siyaasadeed iyadoo aanay rabshado dhicin, lana adeegsanayo garashada xaaladda jirta iyo u-wada-dhamaansho, oo ay ku jirto [arrinta] Jubaland.” ayaa lagu yiri qoraalka

Qoraalkan ka soo baxay beesha caalamka ayaa loogu baaqay hogaamiyeyaasha dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ahba in ay ka faa’iideystaan fursaddan, islamarkaana ay ka heshiiyaan arrimaha ay ka mid yihiin doorasho ka dhacda dalka oo dhan.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *