Beesha Caalamka oo soo dhaweysey dhismaha guddiga farsamo ee Doorashooyinka

Published: July 24, 2020

War saxaafadeed ka soo abxay Saaxiibada Soomaaliya ee beesha Caalamka ayaa lagu soo dhaweeyey shirkii dhawaan ay isugu yimaadeen Dowladda federaalka iyo Dowlad goboleedyada dalka, waxaana lagutilmaamey sjirkaas in uu ahaa dib u billaabashadii aadka looga dhursugayay ee wadashaqeyn wax ku ool ah oo dhexmarta madaxda DFS iyo DXF.

Saaxiibadu waxay soo dhoweynayaan go’aanka ay madaxdu ku gaartay inay magacaabaan guddi farsamo oo ka soo shaqeeya hababka/hanaanka doorasho ee doorashooyinka qaran ee 2020. Marka uu guddigu hore u gudagalo hawshiisa, waxaa lagama maarmaan noqon doonta in la helo heshiis ballaaran oo dhexmara saamilleyda Soomaaliyeed. Saaxiibadu waxay mar kale ku celinayaan inay lagama maarmaan tahay in geeddi socodka doorashadu uu dalka ka saaro hanaanka soo xulidda, kuna hago waddo lagu gaaro doorashooin toos ah, sida uu xeerinayo Dastuurka Federaalka Ku Meelgaarka ah. Sidaa darteed, saaxiibada beesha caalamku waxay ugu baaqayaan dhammaan saamilleyda Soomaaliyeed inay si degdeg ah u sii wadaan dadaalladooda si loo gaaro ujeeddooyinkan, dalkana lagu hayo wadiiqo siyaasadeed oo xasilloon, oo ay ku jirto danta dadka Soomaaliyeed.

Hanaanka doorashada ka sokow, saaxiibada beesha caalamku waxay sidoo kale madaxda Soomaaliyeed ku boorrinayeen inay ku heshiiyaan qorshe lagu hirgeliyo dhinacyada kale ee dib u habaynta dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Dib u eegidda Dastuurka, yagleelidda dimuqraadiyad xisbiyo badan leh iyo abuuridda Guddiga Adeegga Garsoorka oo shaqeeya, Guddiga Xuquuqul Insaanka, iyo Maxkamadda Dastuuriga. Waxay sidoo kale hoosta ka xarriiqayaan baahida loo qabo in la xaqiijyo in murashaxiinta, xisbiyada, haweenka, dhallinyarada, beelaha laga tirada badan yahay iyo warbaahinta dalkoo dhan ay u hadli karaan si xor ah, gaar ahaan inta lagu gudajiro xilliga doorashada.

War saxaafadeedkan waxaa soo saarey safiirada Belgium, Boqortooyada Midowday ee UK, Kanada, Denmark, Dowladda Mareykanka, Faransiiska, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Ireland, Itoobiya, Jabuuti, Japan, Jarmalka, Kenya, Midowga Yurub, Masar, Netherlands, Norway, Sweden, Talyaaniga, Turkiga, Uganda, Urur-Goboleedka (IGAD), iyo Qaramada Midoobay.

Faafin Horseed media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *