Beesha Caalamka Oo Soo Dhowaysay Heshiiska Doorashada

Published: May 27, 2021

Beesha Caalamka ayaa soo dhowaysay shirweynaha wadatashiga qaran ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ee maanta kusoo idlaaday magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay beesha caalamka ayaa lagu bogaadiyey madaxda Soomaalida gaar ahaan raysal wasaaraha xil-gaarsiinta dadaalkii uu ku bixiyey heshiiska doorashada iyo xalinta khilaafkii jirey.

”Waxaan Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble bogaadinaynaa sida uu u hogaamiyay geeddi-socodkan, iyo sidoo kale Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, iyo siyaasiyiinta kale ee sida habsanida leh ee wax ku oolka ah uga qaybqaatay wadahadallada. Waxaan Mahad u soo jeedinaynaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ oo ku baaqay 1dii bishan Maajo in lagu laabto hanaanka doorashada 17 Sebtembar ee heshiiska ku saleysan,”

Beesha Caalamka

Saaxiibada Beesha Caalamku ayaa intaas ku daray inay diyaar u yihiin inay madaxda Soomaaliya ku taageeraan hirgelinta heshiiskan taariikhiga ah.

”Waxaan hadda ugu baaqaynaa dhammaan saamilleyda inay si degdeg ah horey ugu socdaan si loo abaabulo doorashooyin loo wada dhanyahay oo daahfuran oo dib u dhac la’aan ah. Waxaan madaxda Soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay wadahadal caadi ah oo dhexmara saxiixayaasha Heshiiskii 17kii Sebtembar ku xalliyaan wixii khilaaf ah ee mustaqbalka yimaada.”

Warsaxaafadeedkan ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *