Beesha Caalamka Oo Walaac Ka Muujisay Dib-u-Dhaca doorashooyinka Somaliland

Published: November 27, 2019

Warsaxaafadeed ay wada jir u soo saareen Qaramada Midoobay, urur gobolleedka IGAD, Midawga Yurub, Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa lagu sheegay walaaca ay qabaan dib u dhaca ku yimid doorashada gollaha wakiilada Somaliland iyo Muddo kordhinta ay samaystaan.

Dalalkan ayaa Somaliland ka taageera barnaamijyada horumarineed iyo hanaanka dimoqraaddiyadda iyo doorashooyinka ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay xadhigga iyo xorriyatul qawlka oo muddooyinki u dambeeyay sii xumaanaysay

Waxay sheegeen in dhacdooyinka dhacay ee heshiiskan dhaawacaya yihiin kuwo waxyeelaya sumcadda Somaliland ee dhanka dimuqraaddiyadda iyo taageerada beesha caalamka ee siiso Somaliland.

.” Waxaanu walaac ka qabnaa go’aanka gollaha guurtidu ay mudada labada sanno ay ku kordhiyaan waqti xilhaynta barlamaanka iyo gollaha guuriga ee Somaliland, labada aqalba waxay joogee waqti aad u dheer, sidoo kale, gollayaashu degaanku waxay shaqaynayeen iyagoo xiligoodii sharciga ahaa uu dhamaaday bishii April 2019ka” ayaa lagu yiri waraxafadeedka Beesha Caalamka

Warsaxafadeedkan waxaa beesha caalamka e Somaliland taageera ay ugu baaqeen in lagu soo noqdo xayn-daabka heshiiskii xisbiyada Somaliland wada gaadheen bishii July ee sanadkan, oo beesha caalamku-na ku dhex joogtay.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *