Biden ayaa sheegay in aysan ‘macquul ahayn’ gantaal laga soo tuuray Ruushka uu ku dhacay Poland

Published: November 16, 2022

Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay in natiijooyinka ugu horreeya ay muujinayaan in gantaalka ku dhacay Poland ay ciidamada Ukraine ku rideen gantaal kale oo Ruushku ku soo tuureen Ukraine laakiin jihadu ka khadlantey.

Natiijooyinka hore, sida ay sheegeen saddex sarkaal oo Maraykan ah, ayaa tilmaamaya in gantaalkii lagu weeraray Poland Talaadadii laguna dilay laba qof ay ciidamada Ukraine u adeegsadeen inay ka hortagaan gantaalka Ruushka ee ku soo wajahan, sida ay weriyeen wakaaladaha wararka ee AP iyo DPA Arbacadii.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo shir degdeg ah la qaatey kooxda G7 shirkan ayaa ku aadanaa xaaladda Ukriane kadib waxa uu saxaafadda u sheegay in aysan macquul ahayn gantaal laga soo ridey Ruushku uu ku dhacay Poland, baaritaan wanaagsan ayaan samaynaynaa oo ku aadan xaaladda ayuu yiri.

Dhanka kale dalka Ruushka ayaa beeniyey in gantaal ay ku rideen Poland.

Madaxa ergada joogtada ah ee Ruushka u jooga Qaramada Midoobay ayaa ku gacan seyray dhacdadan lagu eedeeyey waxaana uu ku tilmaamey isku day lagu doonayo in lagu huriyo colaad hor leh.

“Waxaa jira isku day lagu doonayo in lagu kiciyo dagaal toos ah oo milatari oo u dhexeeya NATO iyo Ruushka, oo keeni kara cawaaqib xumo saameysa aduunka,” Dmitry Polyansky ayaa ku yiri Telegram.

Dalka Poland ayaa ka mid ah gaashaanbuurta NATO, heshiiska NATO lagu dhisay ayaa qodobkiisa shanaad dhigayaa haddii dal kamid ah xulafada la soo weeraro in ay la mid tahay in dhamaantood la weeraray ayna ka jawaabayaan oo difaacayaan.

Horseed Media