Biden iyo Putin oo aqbalay inay kulmaan si loo xaliyo xiisada Ukraine

Published: February 21, 2022

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa saaka oo Isniin ah shaaciyey in labada hogaamiye ay ka aqbaleen inay yeeshaan kulan fool ka fool ah oo lagu xalinayo xiisada ka taagan xaduuda dalka Ukraine.

Macron oo khadka telefonka kula hadlay Putin, ayaa sheegay in sharuuda shirkan qabsoomidiisa ay tahay in Ruushka uusan duulaan ku qaadin Ukraine.

Madaxtooyada Maraykanka ee Aqalka Cad ayaa xaqiijiyey qorshahan, walow Moscow aysan weli ka hadlin kulankan la sheegay.

Xiliga kulankan dhacayo ayaa la sheegay in lagu gorfeyn doono kulan ay 24ka bishan Feberaayo ay wada yeelan doonaan Wasiirada Arrimaha dibada ee Maraykanka iyo Ruushka, Antony Blinken iyo Sergey Lavrov.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *