Biden oo hakiyey mashruucii Trump hubka uga iibinayey Sacuudiga & Imaaraatiga

Published: January 28, 2021

Xukuumada cusub ee Maraykanka ayaa hakisay mashruucii ay ansixisay xukuumadii hore ee Donald Trump oo hub badan ka iibinayey dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraatiga Carabta.

Mashruucyadan ayaa waxaa kamid ah diyaaradaha dagaalka ee casriga ah F-35 oo Imaaraatiga doonayey inuu ka iibsado Maraykanka, xukuumadii Trump ayaa u fasaxday imaaraatiga in hubkan laga iibiyo kadib markii Abu Dhabi ay xiriir la sameysatay maamulka Israel bishii September 2020.

Sacuudiga ayaa isaguna ka dalbaday shirkadaha laga leeyahay Maraykanka ee hubka soo saaraa hub badan oo ay ku jiraan gantaalada casriga ah mashruucaasi oo kamid ah kuwii ay ansixisay xukuumadii hore, Trump ayaa xiriir dhaw la lahaa dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salman oo uu gacan weyn kasiiyey dagaalka Sacuudiga ka wado wadanka Yemen.

Xoghayaha Arrimaha Dibada ee xukuumada cusub, Antony Blinken oo Arbacadii shalay qabtay shirkiisii jaraa’iid ee ugu horeeyey ayaa sheegay in la hakiyey mashaariicdaan si dib u eegis loogu sameeyo inay saameyn ku yeelan karaan siyaasadooda ku aadan Barriga Dhexe iyo danaha Maraykanka ka leeyahay mustaqbalka gobalka.

Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Joe Biden ayaa xiligii uu ololaha doorashada ku jiray sidoo kale balanqaaday inuu ka shaqeyn doono sidii loo joojin lahaa dagaalka ka socda wadanka Yemen.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *