Biden oo sheegay in Israa’iil ay u soo bandhigtay Xamaas hindise cusub ee xabbad-joojin saddex weji ah

Published: June 1, 2024

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa Jimcihii sheegay in Israa’iil ay soo jeedisay heshiis cusub oo dhigaya in la sii daayo la haystayaashii ay haysteen Xamaas si loogu beddelo “xabad joojin waarta” ee Gaza.

Biden wuxuu qeexay saddexda qaybood ee soo jeedinta, taas oo ah xabbad-joojin dhammaystiran oo lix toddobaad ah Gaza. Ciidamada Israa’iil ayaa ka bixi doona dhammaan “goobaha ay dadku ku badan yihiin” ee Gaza, iyo Xamaas waxay sii dayn doontaa haweenka, waayeelka iyo dhaawacyada la haystayaasha si ay ugu beddelaan “boqolaal” maxaabiis falastiiniyiin ah.

La haystayaasha Mareykanka ayaa sidoo kale la sii deyn doonaa, sida uu sheegay Biden.

Hadhaaga la haystayaashii la dilay ayaa dib loogu celinayaa qoysaskooda, waxaana Falastiiniyiintu ay ku laaban doonaan guryahoodii iyo xaafadihii ay ka deganaayeen dhammaan deegaanada Qaza oo ay ku jirto waqooyiga. Gargaarka bini’aadantinimo ayaa kor u kici doona, iyadoo 600 oo baabuur oo gargaar loog baahan yahay maalin walba la geyn doono Gaza.

Wajiga saddexaad iyo kan ugu dambeeya ayaa noqon doona qorshe dib-u-dhis ah “weyn” oo Gaza, iyo wixii hadhaaga ugu dambeeya ee meydadka la haystayaashii la dilay oo lagu wareejiyo qoysaskooda.

Horseed Media