Blinken oo gaaray Israel iyo wadahadalka xabad-joojinta Gaza oo burbur qarka u saaran

Published: February 7, 2024

Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Mareykanka Antony Blinken ayaa xalay gaaray Tel Aviv, isagoo sheegay inuu kala hadlayo Israel dhaqan gelinta xabad joojin kale dagaalka Gaza oo galay bishii 5aad.

Wafdiga Mareykanka ayaa horey usoo maray dalalka Sacuudiga iyo Qatar oo ay kala hadleen sidii lagu dhaqan gelin lahaa xaba-joojinta dagaalka Gaza iyo mustaqbalka maamulka Falastiin.

Ururka Xamaas ee ka dagaalamaya Gaza ayaa jawaab ka bixiyey soojeedinta cusub ee xabad joojin kooban.

Dowlada Qatar oo sheegtay in ay soo gaartay jawaabta Xamaas ayaa diiday inay wax faah faahin ah ka bixiso, balse xog hoose ayaa sheegaysa in Xamaas iyo Israel weli isku khilaafsan yihiin arrimaha siideynta maxaabiista.

Xamaas ayaa sidoo kale diidan inay ogolaato xabad joojin maalmo ama bilo ah, halka ay sheegtay inay ogolaan doonto, joojinta dagaalka si buuxda oo kama danbeys ah.

Blinken ayaan la ogeyn inuu ka dhaadhicin doono xukuumada xagjirka ah ee Benjamin Netanyahu inay ogolaadaan heshiis cusub, xili Netanyahu uu sheegay inay sii wadi doonaan dagaalka oo ay qarka u saaran yihiin guul buuxda, waa siduu ku qoray bartiisa X (Twitter).

Horseed Media