Boko Xaram oo shacab badan ku shiday dalka Niger

Published: December 14, 2020

Dowlada Niger ayaa xaqiijisay in ugu yaraan 27 qof lagu dilay weerar ka dhacay gobalka Diffa ee koonfur-bari ee wadankaasi.

Kooxda Boko Xaram oo ka tirsan Daacish ayaa la sheegay inay weerarkan kusoo beegtay xiliga ay dhacayeen doorashooyinka guud ee wadankaasi Axadii shalay.

Maleeshiyaadka Boko Xaram ayaa la sheegay inay gubeen qaar kamid ah shacabka oo ku dhexjiray guryahooda, weerarkaasi oo ka dhacay tuulada Toumour ee gobalka Diffa.

Dabka ay shideen kooxdan ayaa la sheegay in lagu burburiyey ugu yaraan 800 illaa 1000 guri oo deegaankaasi ku yaal iyo gaadiidkii shacabka.

Kooxdan ayaa sidoo kale isku dayey inay dilaan hogaamiye dhaqameedka deegaankaasi oo ay gurigiisa weerareen, walow la sheegay inuu ka baxsaday.

Kooxda Boko Xaram ayaa inta badan weerarada noocaan ah ka sameeya wadanka Nigeria (Nijeeriya) oo uu saldhigoodu yahay, balse marar badan sidaan oo kale weeraro ugu qaada dalalka jaarka la ah.

Wadanka Niger ayaa kamid ah isbaheysiga militariga dalalka gobalkaasi ee la dagaalamaya kooxdaasi xagjirka ah.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *