Booliiska gobolka Bari oo gacanta ku dhigay Khamri la doonayay in la galiyo Boosaaso

Published: May 18, 2021

Ciidanka Booliiska ee gobolka Bari ayaa saaka ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan Khamri la doonaayay in si qarsoodi ah lagusoo galiyay gudaha magaalada Boosaaso.

Saraakiisha Ciidanka Booliiska ayaa sheegay in khamrigan oo cadadkiisu badan yahay ay qorsheynayeen in ay magaalada soo galiyaan askar Balse ay ka hortageen Ciidanka Kaantaroolka laga soo galo magaalada.

Khamrigaan oo lagu soo guray Karaatiinta Saliida si aan loo moodin in ay ku jiraan dhalooyin khamri ah ayaa hubin kadib waxa ay ciidamada ay ku guleesteen in ay gacanta ku dhigaan waxaana soconaaya Baaritaano khamrigaas iyo cidii loo waday.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Ciidamada uga mahadceliyay dadaalkooda ku aadan qabashada waxkasta oo lidi ku ah amniga waxana uu sheegay in ay kula xisaabtami doonaan cid walba oo ay khuseyso in khamrigaan ay soo galiyaan Magaalada Boosaaso.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. ASKARTA KHAMIRIGA QABATA HALA DALACSIIYO KHAMIRIGU WA UMUL HKABAAITH WAR DHALINYARADA YAAN LA DULAYN OO LA BARIN KHAMRI IYO DARAAG WAR DHALIYARADU WAA DEEQ IYO NICMO ALLAH NASIIYAY WAR DHALINTA WAA WAXSOO SAARKA UMADAD NIMAANKA KHAMRIKA ITOPIA KA KEENA HA LAYSKA QABTO WAA CADOW UMADEED MAXAY TAHAY UMAD ISLAAMO OO KHAMRI LO SOO WARIDAAYO HADAA RABTAAN HOROMAR DHALINTA HA LA BARO FARSAMO ,SPOORTIGA IYO DINTODA