Booliska Interpol oo ciidamada Puntland ku wareejiyey eedaysane laga soo qabtay Kenya

Published: June 26, 2024
Shares24

Ciidamada Booliska Puntland ayaa maanta lagu wareejiyey eedeysane Maxamed Cumar Ciise oo maalin ka hor ciidanka Booliiska Caalamiga ah ee Interpol ay kasoo qabteen dalka Kenya.

Taliska Qaybta booliska Gobolka Nugaal ayaa la wareegay eedeysanaha oo baxsad ahaa kaasoo si dhuumaaleysi ah ugu gudbay dalka Kenya, waxaana maanta laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Magaalada Garowe.

Eedaysane Maxamed Cumar Ciise ayaa ku eedeysan dilka marxmuum Axmed Cabdullaahi Maxamuud Faarax oo 17-05-2023 ka dhacay magaalada Garowe waxaa qabashadiisa iska kaashaday Ciidanka Booliska Aduunka ee Interpol,Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen Mumin Abdi Shire,Laanta Danbi batista CID ee Gobolka Nugaal iyo Eheladda eedaysanaha, waxaana la horgeydoonaa Maxkamada awooda u leh kiiskiisa.

Horseed Media