Booliska oo faahfaahin ka bixiyey dhimashada sarkaal ka tirsanaa hay’adda duulista rayidka ah

Published: February 19, 2024

Boliiska degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa qoraal ka soo saaray dhimashada Agaasimihii Waaxda Diyaaradaha ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaa oo meydkiisa laga helay gurigiisa.

Bayaanka habeenkii xalay kasoo baxay saldhiga Boliiska Degmada Wadajir ayaa lagu yiri: “Caawa oo Axad ah saacaddu markey ahayd 06:30pm waxaa Saldhiga Boliiska Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir soo gaartay xogta dhimashada muwaadin lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan, Ina Mako Nuur Dhimbil, 32 Jir uu yaalo gurigii uu dagaanaa oo ku yaalla Waaxda Jeneraal Daa’uud gaar ahaan Xaafadda Ceel Qalow.”

Booliska ayaa xaqiijiyey in Cabdinaasir ka shaqeyn jirey Hey’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliyeed.”

“Ciidanka Boliiska oo goobta gaaray, ayaa billaabay baaritaano la xariira dhacdadan. waxaana gacanta Boliiska hadda ku jira ilaa 6 qof oo lagu tuhmay in ay dembiilayaal yihiin falka uu ku dhintey Cabdinaasirna uu yahay dil, Boolisku waxay sheegeen in ay dib ka faah-faahinayaan baaritaanka.

Ilo xog ogaal u ah ayaa sheegaya in ninka dhintey lagu dilay xarig lagu ceejiyey, sida ka muuqata jirkiisa, Boolisku ma sheegin astaamo muujinaya inisagu xaragiga isku diley.