Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo wefdi ballaaran ayaa lagu soo dhaweeyey Laascaanood

Published: October 5, 2023

Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta oo Khaiis ah gaarey magaalada laascaanood ee xarunta SSC-Khaatumo, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyey.

Wefdiga Boqorka waxaa ku weheliyey wefdi ka socdey beesha Kuumadeka oo ka yimid magaaada Kismaayo iyo dalka Kenya kuwaas oo maantey ka soo degey garoonka diyaaradaha ee Garoowe oo Boqorku halkaas ku soo dhaweeyey horeyna ay ugu ballansanaayeen.

Wefdiga Jubaland ka yimid waxaa ka mid ahaa Ugaas Xuseen Ugaas Maxamuud Ugaas Qorane, Ugaas Xuseen Ugaas Cismaan Nuur Ugaas Maxamed Ugaas Sahal, Ugaas Maxamud Ugaas Axmed Ugaas Maxamed, Nabadoon Xuseen Salaad Caddow, Nabadoon Maxamud Dubad Xaashi iyo cuqaal.

Kumaankun qof oo bulshada reer Laascaanood ah ayaa wefdiga uga hortey hala loo ayqaan Maraaga, waxaana horkacaayey Garaadada SSC-Khaatumo oo ay ka mid ahaayeen Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, Garaad Soofe, Garaad Cabdilaahi Garaad Saleebaan, Garaad Mukhtaar Garaad Buraale, Garaad Cabdi Salaam, Suldaan Siciid iyo isimo kale oo badan.

Kadib waxaa wefdiga loo gelibyey aqalka Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil halkaas oo munaasabadda soo dhaweynta ah ay a dhacayso.

Boqor Burhaan iyo wefdiga kale ee beesha Kuumade ayaa habeenka caawa ah seexanaya Laascaanood waxaaana ay kulamo la qaaan doonaan isimada iyo maamulka.

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa Nabad ku baaqey iyo in la joojiyo colaasaha dalka ka socda ah oo dhan, wuxuu sheegay inuu taageeray go’aankii ciidamada lagu hakiyey magaalada Guumeys iyo baaqii nabadeed, shir hala isugu yimaado ayuu yiri oo nabad hala wada qaato.

Booqashada wefdiga heer Daarood ah ayaa imaaneysa iyada oo Laascaanood ay ka dhaceen dagaalo socdey 8 bilood, kuwaas oo ugu dnabeyn guushu raacdey SSC-Khaatumo dalkana laga saarey ciidamadii Somaliland ee halkaas moodey in ay ku joogaan xoogooda.

Horseed Media